Ilaa saddex askari ayaa ku geeriyootay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii miino kuwa dhulka lagu aaso ah ay gaarigii ay wateen oo ahaa nooca ay Soomaalidu Cabdi Bilaha u taqaano ah kula qaraxday meel aan ka fogeyn garoonka diyuuradaha magaalada Jowhar oo ku yaalla deegaanka macaashka cadayga oo qiyaastii 10km waqooyiga kaga beegan magaalada Jowhar.
Goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in gaariga qarxay uu gabi ahaanba bur-buray, waxaana askartii dhaawacu uu soo gaaray la geeyay Isbitaalka magaalada Jowhar.
Dhinaca kalena ilaa 5 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay meel ku dhow deegaanka Xawaadley ee isla gobolka Sh/Dhexe.
Dadkan ayaa saarnaa gaari xamuul ah oo sida la sheegay kusii jeeday magaalada Muqdisho, waxaana dableyda dilka geysatay ay baabuurka kala dageen 5-ta ruux oo uu ku jiray darawalkii gaarigaasi.
Dilkan ayaa waxa uu salka ku hayaa aano qabiil, waxaana wararka ay VOA heleyso ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Hir-Shabeelle ay gaareen deegaanka ay shaqaaqadu ka jirto.
Dhanka kalena Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa goor dambe oo xalay ah waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada Amisom ku leeyihiin duleedka degmada Mahadaay ee isla gobolkaasi Sh/Dhexe.
Dadka degaankaayaa sheegay in ay maqlayeen diryanka qaraxyada iyo hubka culus ee halkaasi leysku weydaarsaday.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray weerarkaasi.