Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya Iyo Hindiya Oo Maxaabiis Is-dhaafsanaya


Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso go'aan ay dawladda Hindiya ku ansixisay heshiis ku saabsanaa is-weydaarsiga maxaabiista xukuman.

Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhowaynayso ansixintaasi, isla markaasna maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India la keeni doono dalkooda hooyo si ay ugu soo dhawaadaan qoysaskooda iyo shacabkooda.

Xaaladda ku saabsan maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalka Hindiya oo tiradoodu dhantahay 118 waxaa la socday Guddoomiyha Degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali Faat oo dhowaanna ku guulaystay inuu budhcad badeed Soomaaliyeed kasoo furto shaqaalaha doon ay afduubeen oo tiradoodu dhammayd 8 badmaaxe.

Cabdullahi Axmed Cali wuxuu khadka telefoonka ugu warramay wariyaha VOA, Harun Macruuf.

Wareysiga Heshiiska Somalia iyo India
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:09 0:00


XS
SM
MD
LG