Isku xirrada

Kenya oo Ciidamo u Dirtay Gobollada Xadka Somalia


Mandera province, Kenya

Todobaadyadii la soo dhaafay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo kan Xeebta, waxaa ka jiray weeraro iyo qaraxyo ay ku dhinteen.

Ugu yaraan 34 qof oo 20 ka mid ah boolis yihiin ayaa ku dhintay qaraxyo dhacay saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Haatan Kenya ayaa ciidamo badan u dirtay meelaha ay qaraxyada ka dhaceen gaar ahaan dhulka hoos yimaada degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wariyeheenna Maxamed Faarax Shire ayaa la socday dhaqdhaqaaqyada ciidamada Kenya, Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka ku wareystay isagoo ku suggan xeryaha Dhadhaab.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG