Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Mar Kale ku Baaqay Xannibaad Socdaal


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa u adeegsaday barta twitter-ka inuu mar kale ku baaqo xannibaad socdaal oo dalka Mareykanka laga saaro dadka ka imanaya dalal uu ugu yeeray “kuwo halis ah”.

Trump ayaa sidoo kale cambaareeyey wax uu ugu yeeray dadaallada “sax ahaanshaha siyaasadeed” ee lagu dabcinayo amarkii koowaad ee uu soo saaray ee uu dalka uga mamnuucay inay soo galaan dadka kasoo jeeda lix dal oo muslim ah.

“Waxaan u baahannahay xannibaad socdaal oo lagu soo rago dalal gaar oo halis ah, balse uma baahnin sax ahaanshaha siyaasadeed ee aan naga caawin doonin inaan difaacno dadkeena” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter-ka.

Amarkii ugu horreeyey ee Trump ayaainay dalka Mareykanka soo galaan looga mamnuucay dadka u dhashay dalalka Iraq, Iran, Syria, Libya, Yemen, Somalia iyo Sudan.

Amarkaas ayaa kadib isbeddel lagu sameeyey, waxaana laga reebay dalka Iraq.

Dhowr maxkamad oo federal ah ayaa joojiyey in la hirgeliyo amarka Trump, ayaga oo sheegay inuu xadgudub diimeed oo aan dastuuri ahayn ku yahay muslimiinta.

XS
SM
MD
LG