Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa ilaa iyo shaley aad u hadal hayey weerar la sheegey in nin cadaan ah uu u geystey gabar Soomaali ah oo ay daris ahaayeen.
Weerarkan ayey bulshada Soomaalida iyo hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda muslimiinta Mareykanka qaarkood waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa mid sinji naceyb ah.
Bog dhaqaale loogu aruurinayo gabadhan ayaa durba la sameeyey, waxaana saacado gudahood ku soo gaarey lacag ka badan 60,000 oo doolar.
Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo haya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.