Isku xirrada

Toddoba qof ayaa ku dhimatay weerarro xalay ka dhacay magaalada London kuwaasi oo loo adeegsaday baabuur dadka la jiidhsiiyey iyo toorriyo, in ku dhow 50f ayaa ku dhaawacmay. Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Theresa May ayaa weerarkan ku eedaysay Muslimiinta xagjirka.

Weerarrada xalay ka dhacay London ayaa yimid laba toddobaad uun kadib weerarkii ismiidamainta ahaa ee ka dhacay magaalada Manchester ee England oo ay ku dhinteen 22 qof.

Haddaba sidee looga arkaa dalkaasi weerraradan maxayse ka beddeli karaan xiriirka bulshooyinkaa?

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG