Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dayuurad Waraaqo ku Daadisay Jilib


Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad aan la garanayn cidda iska leh ay waraaqo ku dul daadisay magaalada Jilib ee uu ka taliyo ururka Al-Shabab iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Wararkan oo aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in waraaqahaas la daadiyey ay ku qornayd farriin ugu baaqaysa maleeshiyada Al-Shabab inay ka faa’iidaystaan cafiskii uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ugu baaqay xubnaha ku jira Al-Shabab inay kaga soo baxaan ururkaasi muddo 60 maalmood ah.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in hawlgallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabab ay ka dhaceen Gobolka saacadihii lasoo dhaafay.

Faahfaahinta laga helayo magaalada Kulbiyow ayaa sheegaysa in khadkii isgaarsiintu uu haatan ay u soo laabatay magaaladaasi kadib hubka culus oo ay AL-Shabab ku tuureen magaaladaasi subaxnimadii hore ee Sabtidii.

Warar aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in weerarka Kulbiyo ay gaysteen tiro yar oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab kuwaasi oo rasaas ka dhacaysay qorayaha culus huwiyey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya. Ciidamada ayaa ku jawaabay rasaas kuna qasbay maleehsiyada Al-Shabab inaya dib u laabtaan.

XS
SM
MD
LG