Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burco: Dadka u Dhimanaya Cudurka Shubanka oo Kordhay


Cisbitaalka Burco
Cisbitaalka Burco

Tirada dadka u dhintay cudurka shubanka ee maalmahanba ka jiray magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa korodhay, iyadoo saaka ilaa xalay ay dhinteen afar qof oo kale.

Dhimashadan cusub ayaa tirada dhimashada ee sideeddii maalmood ee la soo dhaafay ka dhigaysa 29, sida ay VOA u sheegeen hawlwadeennada caafimaadka.

Sidoo kale, dadka uu cudurkani haleelay ayaa iyana tiradoodu korodhay. Xaalad deg-deg ah ayaana magaalada Burco shalay looga dhawaaqay.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Hargeysa.

Warbixin: Barkhad Maxamuud Kaariye
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:41 0:00

XS
SM
MD
LG