Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaalad Deg Deg ah oo Lagu soo Rogay Magaalada Burco


Magaalada Burco, Somaliland
Magaalada Burco, Somaliland

Kulan degdeg ah oo ay maanta yeesheen golaha deegaanka ee magaalada Burco ayey kaaga dhawaaqeen in magaalada Burco la geliyey xaalad deg deg ah.

Kulanka ayay ka soo saareen sagaal qodob oo ay ka mid yihiin in gebi ahaan la fasaxay dugsiyadii gaarka loo lahaa, islamarkaana la hakiyey imtixaanaadkii dugsiyada dawliga ah.

Duqa magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ayaa sheegay inay dhigeen goobaha laga soo galo magaalada Burco shaqaale caafimaad, kuwaas oo daawaynta lama huraanka ah u fidinaya dadka ka baxaya magaalada ama kuwa soo gelaya.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in xaaladdan degdegga ah ay iska kaashanayaan wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada iyo ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka, isaga oo sheegay in la samayn doono dardargelin nadaafadadeed iyo wacyigelin kala duwan.

Amarkan golaha deegaanka ee magaalada Burco ayaa ka dambeeyey markii uu si aad ah u faafay xanuunka shuban-biyoodka, oo toddobaadkii ugu dambeeyey ay u dhinteen in ka badan 20 qof, halka uu xanuunku uu soo ritay illaa 1000 qof oo kale.

Haddaba xaaladda ugu dambaysay ee magaalada Burco ayaa Ismaaciil Xuseen FArjar ka waraystay isu-duwaha caafimaadka gobolka Togdheer Dr. Yuusuf Dirir Cali.

XS
SM
MD
LG