Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Baghdad oo lagu Dilay 27 Qof


Iraq
Iraq

Laba qarax oo kala duwan oo ka dhacay waddooyin aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Baghdad ee caasimadda Ciraq ayaa dilay ugu yaraan 27 qof, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo kale.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel ku dhow dukaanka jalaatada laga iibsado ee caanka ah ee ku yaalla degmada Karrada, halkaasi oo 16 qof ay ku naf waayeen. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 75 kale.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Saacado kadib ayaa qaraxa labaad waxa uu ka dhacay meel ku dhow xafiis dowladda ay ku leedahay xaafadda Shawaka. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qaraxaas.

Weerarada ayaa yimid maalmo kadib markii muslimiinta ay billaabeen gudashada bisha barakeysan ee Ramadan, markaasi oo inta badan ay isugu tagaan maqaayadaha iyo goobaha lagu shaaho, marka la gaaro xilliga afurka.

Kooxda Daacish ayaa sidoo kale mas’uul ka ahayd qarax loo adeegsaday baabuur xamuul oo ramadaankii tagey ka dhacay degmada Karrada, kaasi oo lagu dilay 300 oo qof.

XS
SM
MD
LG