Isku xirrada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay wiilka uu soddoga u yahay isla markaana u ah lataliye sare, Jared Kushner, kaasoo lagu eedeeyey inuu isku dayay inuu sameeyo wadiiqo qarsoodi ah oo ay ku wada hadlaan Russia iyo saraakiisha Ololihii Trump.

Wareysi uu siiyey wargeyska New York Times Axadii, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in Jared uu shaqo muhiim ah u hayo dalka Mareykanka, isla markaana uu aad ugu kalsoonyahay.

Mr. Kushner oo ah 36 jir horay madax uga soo noqday shirkad ka shaqeysa guryaha oo ku taalla magaalada New York, ayaa ku biiray kaaliyaasha madaxweyne Trump ee Aqalka Cad, kadib marki uu madaxweyne Trump ku guuleystay doorashadi madaxweynaha ee sanadki hore.

Wuxuu qabaa gabada madaxweyne Trump, Ifanka Trump.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG