Isku xirrada

Britain: Shirkadaha Internetka ayaan la Shaqeynaynaa


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Britain ayaa sheegtay in shirkadaha internetka ay bilaabayaan inay noqdaan kuwo gacan wayn ka geysta dagaaka lagaga soo horjeedo argagixisada, ka dib weerarkii dhowaan ka dhacay magaalada Manchester.

Amber Rudd ayaa ku sheegtay wareysi ay Axaddan maanta ah siisay television laga leeyahay Britain in dalku uu horumar wanaagsan ka sameyneyo in uu la shaqeeyo shirkadaha tegnoolojiyadda si ay awood ugu yeeshaan in ay helaan farriimaha kuwa looga shakiyo argagixisonimada.


Hase ahaate, waxay intaa ku dartay inay si wayn uga wal wal qabto shirkadaha internetka ee sii wada inay baahiyaan waxyaabaha nacaybka ku saleysan iyo muuqaalada nacaybka muujinaya ee qaybta ka qaadanaya in la xagjireeyo dadlka ku dhaqan Britain.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG