Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Ka Walaacsan Xog La Dusiyey


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay xog loo dusiyey warbaahinta Mareykanka oo ku saabsaneyd baaritaanka weerarki lagu qaaday magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Xogta loo dusiyey warbaahinta Mareykanka ayaa waxaa ku jiray faah-faahinta baaritaanka weerarki Manchester oo ay ka mid yihiin magaca ninka is qarxiyey iyo sawirrada booliska Ingiriiska oo goobta jooga.

Arrintaasi ayaa ka careysiisay baarayaasha Ingiriiska, kuwaasoo si kumeel gaar ah u hakiyey xogaha ay la wadaagaan sirdoonka Mareykanka.

Isaga oo ka hadlayey Khamiistii Shirka Madaxda NATO ee magaalada Brussels ayuu madaxweyneTrump weydiistay Waaxda Caddaalada Mareykanka in ay bilowdo baaritaan ay dib ugu eegeyso dhacdadani.

Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May, oo iyaduna ka qeybgaleysa shirweynaha NATO ee Brussel, ayaa sheegtay in xogaha difaaca iyo mukhaabaarabaadka ay ku dhisanyihiin is aaminid.

Ma cadda cidda gudbisay xogta ay faafiyeen warbaahinta Mareykanka.

XS
SM
MD
LG