Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo oo Cafis u Fidiyey Weriye Coldoon


Siilaanyo
Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa cafis ku sii daayay weriye Cabdimaalik Muuse Cooldoon oo Somaliland ay xirtay 15-kii bishii February ee sannadkan 2017, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tegey magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxiixnaa madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu sheegay, in kadib markii uu codsi soo gudbistay Cabdimaalik Muuse Coldoon bishii bishii April sagaalkeedii, in madaxweynuhu u fidiyey cafis gaar ahaaneed, isla markaana la sii daayo isla maanta oo Khamiis ah.

Maxkamadda Gobolka Hargeisa ayaa hore Cabdimaalik Muuse ugu xukuntay laba sano oo xadhig ah.

Haddaba Caasho Cuud ayaa goor dhaweyd khadka taleefonka ee Hargeysa ku wareysatay Cooldoon.

Wareysi: Weriye Coldoon
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:19 0:00

XS
SM
MD
LG