Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Sideed Askari oo Qarax lagu Dilay


Kenya topographic map
Kenya topographic map

Sideed ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa ku dhintay weeraro ka dhacay maanta gobolka Waqooyti Bari Kenya.

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay deegaanka SIMO oo u dhow Carabiya ayaa sheegaya in baabuur kolonyo ah oo galbinaysay guddoomiyaha gobolka Mandheera Cali Roba ay la kacday miino, halkaasna ay ku dhinteen shan askari.

Mid ka mid ah dadka ka ag dhow guddoomiyaha gobolka ayaa VOA u sheegay in qaraxan uu haleelay baabuurka ay la socdeen ilaalada guddoomiye Cali Rooba.

Dhinaca kalena saddex askari ayaa ku dhimatay weerar kale oo saaka ka dhacay meel u dhaxaysa waddada Liboi iyo Kulan isku xidha. Isla qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay shan askari oo booliis ah.

XS
SM
MD
LG