Isku xirrada

Philippines: Xagjiriin Dad ku Dhex Qafaashay Kaniisad


Ciidamada Philippines oo yimid halka dadka lagu haysto.

Xagjiriin muslimiin ah oo ku sugan dalka Philippines ayaa afduubtay baadari iyo dhowr qof oo kale oo ku sugnaa kaniisad ku taalla magaalada Koonfureed ee Marawi.

Madaxweynaha Baadariyaasha madhabta Catholic ee dalka Philippines, Socrates Villegas ayaa sheegay in dadka kaniisadda lagu dhex qabsaday ay ku jiraan 10 qof oo u tagay cibaado iyo saddex ka mid ahaa shaqaalihii kaniisadda.

Kooxda mintidiinta ee afduubka u haysata dadka, ayuu sheegay inay dalbadeen in dowladda ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka.

Rabshadaha magaalada Marawi ayaa billowday talaadadii markii ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen meel la rumeysnaa inuu ku dhuumanayey hoggaamiyaha kooxda Abu Sayyaf, Isnilon Hapilon, kaasi oo baayaco la xirtay kooxda Daacish.

Madaxweyne Rodrigo Duterte ayaa xukun milatari oo muddo 60 maalmood socon doona kusoo rogay gobolka koonfureed ee Mindanao oo magaalada Marawi ay ka tirsan tahay.

Waxa uu sidoo kale maanta sheegay inuu ka fakari doono inuu xukun milatari kusoo rogo qeybo kale oo dalka ka mid ah, haddii dhaqdhaqaaqyada kooxaha mintidiinta ay sii ballaartaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG