Wararka ka imanaya deegaanka Number 50 ayaa sheegaya in maleehsiyada Al-Shabaab ay dileen hal qof islamarkaana ay qafaasheen ilaa 25 qof kadib weerar ay xalay kusoo qaadeen deegaanka oo u dhexeeya Afgooye iyo Marka.
Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku eedeeyey Al-Shabaab inay sal kicinayaan dadka rayidka ah ee deegaanka.
Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa dhacdadan ka waraystay guddoomiyaha gobolka Shabellada Hoose Ibraahim Aadan Najax.