Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykan ka Tirsanaa Al-Qacida oo Xabsi Laga sii Daynayo


Nin Mareykan ah oo xubin ka ahaa ururka Al-Qaacida, kaasi oo isku bedelay nin sirta usoo gudbiya dowladda ayaa laga sii dayn doonaa xabsi federal ah, kadib markii akhbaaraad muhiim ah uu siiyey mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka.

Xaakim federal oo ku sugan gobolka New York, ayaa shalay Bryant Neal Vinas ku riday xukun xabsi oo ah sideed san iyo saddex bilood, hase yeeshee maadaama uu horey xabsiga ku jiray mudadaas, ayaa la sii dayn doonaa, wuxuuna weligisi ahaan doonaa qof dusha sare lagala socod.

Dacwad oogaha dowladda ayaa sheegay in akhbaaraadka uu Bryant Neal Vinas siiyey dowladda lagu tilmaami karo kuwii ugu wanaagsanaa ee abid uu bixiyo qof xiriir la leh kooxda Al-Qacida.

Akhbaaraadka uu Vinas bixiyey ee ku saabsanaa Al-Qaacidada dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa gacan ka gaystay in la aqoonsado dad lagu tuhmayo argagixisanimo, meelaha ay ku dhuuntaan iyo shirqoolada ay maleegayeen.

Vinas ayaa ka tirsanaa ciidamada Mareykanka dhowr toddobaad oo ka mid ah sanadii 2002, laba sano ka hor inta uusan qaadan diinta Islaamka. Waxa uu sanadii 2007 u safray dalka Pakistan kuna biiray kooxaha Mintidiinta.

XS
SM
MD
LG