Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 15 kalena wey ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Bay, iyo ciidamo gurmad ahaa oo kuwa maamulka koonfur galbeed ka tirsan oo jidka loo galay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay iney muddo kooban qabsadeen magaalada, ilaa 17 askarina ay ku dileen dagaalka halkaasi ka dhacay, hase yeeshee saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay arrintaasi, iyagoo sheegay in ciidamadoodu ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Goof-Gaduud.
Goof-Gaduud oo qiyaastii 30 Km u jirta magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa kusoo noqnoqda dagaallada noocan ah ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.
Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan kasoo diray Baydhaba.