Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tillerson oo La Kulmaya Lavrov


Tillerson Lavrov
Tillerson Lavrov

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa Arbacada soo aadan magaalan Washington kula kulmi doona dhiggiisa dalka Russia Sergei Lavrov, iyaga oo ka wada hadli doona arrimaha Syria, Ukraine iyo xiriirka labada dal.

War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in kulanka labada wasiir xooga lagu saari doono sidii loo yareyn lahaa faafitaanka colaadda Suuriya, iyo sidii gargaar bani,aadannimo loo gaarsiin lahaa dadka reer Suuriya ee ay saameeyeen dagaalada.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis uu sheegay in Mareykanka uu si hoose u qiimeyn doono qorshaha Ruushka ee ahaa in Suuriya laga hirgeliyey goobo ka caagan duulimaadka si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee Suuriya.

XS
SM
MD
LG