Isku xirrada

War Deg-Deg ah

82 Ka Mid ah Gabdhaha Chibok oo La Xoreeyey


Madaxweyne Muhammadu Buhari oo la kulmay gabdhaha lasoo daayey ee Chibok
Madaxweyne Muhammadu Buhari oo la kulmay gabdhaha lasoo daayey ee Chibok

Madaxweynaha Nigerian Muhammadu Buhari ayaa la kulmay Axadi 82 gabadhood oo ka mid ahaa gadbho ciyaal iskuul ahaa oo ay saddex sano ka hor kooxda Boko Haram ka afduubtay waqooyibari ee dalka Nigeria.

Muuqaal laga duubay munaasabad gabdhaha lagu soo bandhigay oo ka dhacday magaalada Abuja ayaa muujinaya madaxweyne Maxamaduu Buhaari oo la hadlaya gabdho ay daruuf adagi ka muuqato.

Madaxweyne Buhari ayaa u balan qaaday gabdhaha in xafiiskiisa uu si gaar ah ula socon doono cidda uu ku aamini doono daryeelkooda.

Dowlada Nigeria wali ma aysan faah-faahin sida loo soo daayey gabdhahan oo muddo sanada ah gacanta ugu jiray Boko Haram, balse warbaahinta dalkaasi ayaa ku warrantay in sii deyntoooda ay ku timid wada xaajood dhex maray Dowlada iyo wakiilo ka socday Boko Haram.

Wakaalada wararka AP ayaa Sabtidi ku warantay in xoreynta gabdhahan ay Dowlada ugu badashay kooxda Boko Haram shan sarkaal oo ka tirsanaa maleeshiyada kuwaas oo Sabtidi xabsiga laga sii daayey.
Boko Haram wali waxaa gacanta ugu jiro 113 gabdhood oo kale.

XS
SM
MD
LG