Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari Mareykan ah oo Lagu Dilay Soomaaliya


Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in askari American ah lagu dilay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose oo 40 KM galbeed ka xiga Muqdisho.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fulinayeen howlgal la-talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qeyb galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxa ay halis ku tahay Mareykanka iyo danaha Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.

“Kooxda Al-Shabaab ay ku xiran tahay ee Al-Qacida waxay dishay dad Mareykan ah, waxay xagjir ka dhigtay oo ay dagaalyahano ka qoratay gudaha Mareykanka, waxayna isku dayday inay fuliso ama dhiiri-geliso weeraro ka dhan ah Mareykanka iyo xulafadeena dunida”.

Taliska Mareykanka ee Africa waxa uu sheegay inuu sii wadi doono taageerada la siiyo Soomaaliya iyo saaxiibada gobolka, si loo burburiyo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana xasillooni iyo amni loogu soo dabaalo gobolka.

XS
SM
MD
LG