Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir Caawa Lagu Dilay Magaalda Muqdisho


Abas Siraji
Abas Siraji

Wararka ka imanaya magaalada Muqdidho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in toogasho lagu duilay wasiirkii hawlaha guud ee dawladda Soomaaliya Cabbaas Siraaj.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu ku dhintay toogasho ka dhacday afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

Toogashadan ayaa ciidamada amnigu sheegeen in loo aanaynayo maleeshiyo weli aan la caddeyn waxa ay yihiin.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey geerida.

Waxa uu sheegay in baabuur uu wasiirka saarnaa ay rasaas ku fureen ciidamada, islamarkaana iminka ay baaris ku socoto.

XS
SM
MD
LG