Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado Ka Soo Cusboonaaday Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe


Rabashado dib uga soo cusboonaaday dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa xaafado buuxay ka dhigay kuwo maran oo burburay, halka dadna lagu dilay.

Guryaha qaar ayaa guban, waxaana ka maran saqafka sare, ayada oo lagu arkayo meydad looga tagay, halka gurayaha qaarna la bililiqeystay.

Shaqaalaga gargaarka ayaa ka digay in dalkaas uu dib ugu laabanyo dagaal sokeeye. In ka badan boqol kun oo qof ayaa ka qaxay guryahaooda tan iyo bishii September ee sanadkii tagay.

Dhinaca waqooyi, mucaraadka kirishtanka ayaa xaafadda Bambara u adeegsaday saldhig ay ka duulaan, waxaana markii askarta dowlada ay dad reer miyi ah ka xadeen saco, ay maleeshiyada Seleka soo qaadeen weerar aargudasho oo ay ku dileen 25 qof, ayaga oo gubay 600 oo guri.

Rabshadaha dalkaas ayaa waxaa ku barkacay shan meelood meel, guud ahaan dadka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe – Dad gaaraya illaaa afar boqol oo kun oo qof.

XS
SM
MD
LG