Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsade Lagu Dilay Istanbul


Muuqaalka goobta lagu dilay Saeed Karimian ee Istanbul
Muuqaalka goobta lagu dilay Saeed Karimian ee Istanbul

Warbaahinta Turkiga ayaa ku warrantay in ganacsade caan ah oo u dhashay dalka Iran iyo nin la socday oo ay shirko ahaayeen xalay lagu dilay gudaha magaalada Istanbul.

Saeed Karimian, ayaa ahaa milkiilaha TV-ga GEM oo ah telefishin caan ah oo ku baxa luqada Faarisiga. Waxaa lagu dilay degmada Maslak ee magaalada Istanbul.

Ma cadda sababata loo dilay, balse horay ayey maxkamad ku taalla dalka Iran u xakuntay isaga oo dalka ka maqan. Waxaa lagu eedeeyey inuu faafiyey hadalo borobogaanda ah oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Booliska Istanbul ayaa sheegay inay baarayaan dilka labadaasi ruux.

Iran dhowr jeer ayey ka ashtakooday TV-ga GEM oo xaruntiisu tahay magaalada Dubai balse ku wajahan dalka Iran.

XS
SM
MD
LG