Qarax xooggan ayaa caawa fiidkii laga maqlay agagaarka Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaaliya.
Qaraxan ayaan illaa haatan la ogayn waxa u sabab ah. Goobjoogayaal ku sugan degmada Hodan ayaa VOA u sheegay inay maqleen qarax xooggan balse aysan weli u kala caddayn cidda lala beegsaday iyo waxa uu ka dhashay toona.