Kooxda Daalibaan ayaa maanta shaaca ka qaaday howl-gal dagaal oo ka dhici doona dalka Afghanistan, kaasi oo lagu beegsanayo ciidamada Mareykanka uu hogaamiyo ee “haysta” dalkaas, si waddanka looga saaro.
Warsaxaafadeed maanta ay u qeybiyeen warbaahinta ayaa kooodan waxa ay ku sheegtay in “Howlgalka Mansouri” uu si rasmi ah maanta uga billowday dhammaan 34-ka gobol ee dalka Afghanistan.
Daalibaan ayaa sheegtay in howlgalkan loogu magac daray madaxii hore ee kooxdaas Mullah Akhtar Mansour, oo sanadkii tagay lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aanay cidna wadin oo Mareykanka uu leeyahay.
“Howlgalladan waxay ka koobnaan doonaan weeraro caadi ah, kuwo jabhadeyn ah, is-qarxin shahiidnimo ah, miinooyin dhulka lagu aaso iyo weeraro ay fuliyaan dadka noogu jira dowladda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay golaha loogu magac daray dagaalka ee kooxdaas.
Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan Mohammed Radmanesh ayaa ku gacan seeray hadalka Afghanistan, kuna sheegay ujeedo kale oo kooxdan ay dooneyso inay ku disho shacab aan waxba galabsan.