Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Burcad Badeed Soomaali ah oo la Xukumay


Burcad badeed Soomaali ah ayaa inta noloshiisa ka harsan ku qaadan doona xabsi federal oo Mareykanka ku yaalla, sababo la xiriira inuu weerar ku qaaday Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka, sanadii 2010.

Maxamed Faarax oo 31 jir ah ayaa waxaa arbacadii shalay loo xukumay burcad badeednimo iyo ficillo kale oo la xiriira weerar hubeysan oo uu ku qaaday markabka USS Ashland, xilli uu socday badda gacanka cadmeed, meel ku dhow xeebta Jabuuti.

Saddex qof oo kale oo sidoo kale falkan ku eedeysnaa ayaa horey loogu xukumay xabsi daa’in, halka laba qof lagu xukumay 15 sano iyo 33 sano oo xabsi ah.

Burcad badeeeda ayaa markii hore doonayey inay afduubtaan Markab kale, hase yeeshee waxaa ka hor istaagay doon ay leeyihiin ciidamada badda British-ka, waxaana kadib ay weerareen markabka USS Ashland.

Markabka Ashland ayaa kadib rasaas ooda kaga qaaday doontii burcad badeeda oo holacday, taasi oo burcad badeeda ku qasabtay inay badda isku tuuraan, markaasi oo lasoo qabtay.

Markabka Ashlanad ma gaarin wax waxyeelo ah, mana jirin qof ku dhaawacmay weerarka.

XS
SM
MD
LG