Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado la Xiriira Doorashada oo ka Dhacay Kenya


Isiolo, Kenya
Isiolo, Kenya

Dalka Kenya ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ku fidaan rabshado goos goos ah oo la xiriira doorashooyinka mudadoodu soo dhawaatay ee la filayo inay dalkaas ka dhacaan.

Rabshado ka dhashay diyaar garowga doorashada iyo natiijayada doorashooyinka horudhaca ah ee xisbiyada ayaa maalmihii ugu dambeeyay dalkaasi waxaa ugu dhintay 14 qof oo askar boolis ah ay ku jiraan.

Rabshadahan ayaa laga cabsi qabaa inay qalqal geliyaan ammaanka guud ee Kenya oo deris la ah laba dal oo aan xasilooneyn oo kala ah Somalia iyo Suudaanta Koonfureed.

Wariyeheenna Maxamed Cabdi Xassan ayaa arrimahan ka wareystay xoghayaha Arrimaha Istaraatiijiyadda ee golaha dowladda ee xafiiska madaxweynaha Kenya Mukhtaar Cabdi Oogle.

Rabshado ka dhacay Kenya
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:40 0:00

XS
SM
MD
LG