Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hiiraan: Dagaal Dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Ethiopia


Shabaab
Shabaab

Ciidamada Ethiopia iyo Al-Shabaab ayaa maalintii labaad waxaa uu dagaal goos goos ah ku dhexmarayaa deegaano ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Baledweyne iyo deegaanka Halgan.

Guddoomiyaha Halgan Guhaad Cabdi Warsame ayaa isagoo ku sugan tuulada Nuur Fanax VOA u sheegay in iska caabin aan xooganeyn ay kala kulmeen Al-Shabaab.

Ciidanka Ethiopia ayaa Halgan iyo degaano kale oo Hiiraan iyo Galgaduud ku yaalla waxaa ay isaga soo baxeen daba yaaqadii sanadkii hore, lamana yaqaan ujeedada ay xiligan dib ugu laabanayaan Halgan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo VOA qadka teleefonka kula hadlay ayaa u sheegay in dagaalada ka dhacay deegaanada Nuur Fanax iyo Burdaar ay labada dhinac adeegsadeen hub culus. Waxaa sidoo kale Halgan iyo Nuur Fanax ka barakacay inta badan dadkii shacabka ahaa ee deganaa.

XS
SM
MD
LG