Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo Fuliyey Duqeymo ka Dhan ah Kurdish-ka


Ciidamada Turkiga ayaa maanta fuliyey duqeymo ka dhan ah mucaaradka Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga Ciraq iyo Waqooyiga Bari ee Syria.

Bayaan kasoo baxay milatariga Turkiga ayaa lagu sheegay in duqeymaha looga dan lahaa in looga hortago in mucaaradka ay hub, rasaas iyo waxyaabaha qarxa kasoo gudbiyaan xuduudda, soona geliyaan dalka Turkiga.

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa ka digay in mucaaradka kooxda PKK iyo kooxda YPG ee Kurdish-ka Syria ay meelo ku yaalla xuduudda u adeegsadaan gabbaad ay weerar uga soo qaadaan Turkiga.

Kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha Syria ee fadhigeedu yahay Britain ayaa sheegtay in duqeyntii maanta lagu dilay 18 ka tirsan dagaalyahanada kooxda YPG.

Kooxda PKK ayaa tan iyo sanadii 1984 dagaal kula jirta dowladda Turkiga, ayada oo dooneysa in gobolka Kurdish-ka ee Turkiga uu helo xuquuq dheeri ah. Dagaaladaas ayaa waxaa ku dhintay 450,000 oo qof.

XS
SM
MD
LG