Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Waxaan Dilnay 52 Shabaab ah


Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya

Ciidamada dawladda Kenya ayaa sheegay inay dileen 52 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab 1-dii habeennimo ee xalay kadib weerar ka dhacay meel 9 km u jirta degaanka la yidhaahdo Sarira oo u dhow magaalada Badhaadhe.

War saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda dhulka oo adeegsanaya sirdoon iyo hubka hoobiyayaasha ay bartilmaameedsadeen goobtaasi, ayna ka sameeyeen hawlgal saaka.

Waxa lagu sheegay war saxaafadeedka in hawlgalku ka dambeeyey markii ay ogaadeen in goobtaasi ay isku urursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Kenya waxay sheegtay in hawlgalkaasi ay ku dishay 52 ka tirsan Al-Shabab isla markaana kuwo kale la baxasadeen dhaawacyo.

Kneya waxay kaloo sheegatay inay hawlgalkaasi ku qabsatay hub iskugu jira 7 qori oo AK47 ah, 1 PKM, 104 xabbo oo rasaas ah, 3 walxaha qarxa oo diyaarsan iyo kuwo aan diyaarsanayn iyo laba telefoon.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda VOA u sheegay inay arkeen diyaaradaha helikobtarrada ee Kenya oo duqaynaya deegaan lagu magacaabo Sangaabo oo u dhow Sariira.

Waxay dadka degaanku sheegeen in goobta la duqaynayey ay u dhowdahay Lagta Dishuu oo ay saldhig ku leeyihin ciidamada Kenya.

XS
SM
MD
LG