Madaxda dowladda Somalia iyo maamul-goboleedyada ayaa ku heshiiyay in si degdeg ah ay u bilaabaan howlgal ciidan oo wadajir ah oo ka dhan ah kooxda al-Shabaab.
Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaba-gabada shir labada cisho madaxdan Muqdisho uga socday ka sheegay inay ku heshiyeen inay al-Shabaab ka saaraan meelaha ay haystaan ee ay abaaruhu ka jiraan si ay gar-gaar u gaarsiiyaan dadka halkaasi ku nool.
Warbxintan waxaa Muqdisho ka soo diray weriyaheena Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle.