Isku xirrada

Pence: 100% Ayaan Garab Taagannahay Korea-da Koonfureed


Mike Pence

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa caddeeyey in Mareykanka uu 100% garab taagan yahay Korea-da Koonfureed, xilli Korea-da Waqooyi ay weli waddo tijaabooyin gantaalo.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Pence iyo madaxweynaha xilka sii haya, ahna ra’iisul wasaaraha Korea-da Koonfureed, Hwang Kyo-ahn ayaa Pence waxa uu ku yiri “Adinka ayaan idinla jirnaa 100%”.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa sheegay in Korea-da Waqooyi ay u wanaagsanaan lahayd inaysan tijaabin dulqaadka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, islamarkaana wax walba ay miiska saaran yihiin si “jasiirad u yaalka Korea looga dhigo meel ka maran hubka Nuclear-ka”.

Goor sii horeysay oo maanta ah ayaa Pence waxa uu booqday saldhig milatari oo ku yaalla xuduuda ciidanka dhooban yihiin ee labada dal, halkaasi oo uu kula kulmay hogaamiyayaasha milatariga iyo ciidamada Mareykanka.

Pence oo socdaal 10 malamood qaadan doona ku maraya Asia ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo in amniga labada Korea loogu gooleysto “hab nabadeed iyo wada xaajood”.

XS
SM
MD
LG