Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirinta Codadka ee Aftida Turkiga oo Socota


Waxaa la soo xidhay goobaha codbixinta ee dalka Turkiga ka dib markii dalkaas Maanta laga qabtay afti ku aaddan in dalkaasi ka guuro nidaamka baarlamaaniga ah isla markaana u wareego nidaamka Madaxweynaha oo hoggaamiya laanta Fulinta ee dawladda.

Natiijada hordhaca ah ayaa la filayaa in isla caawaba la helo, iyada oo haatan ay socoto tirinta codadka, waxaana warbaahintu ay sheegaysaa in la tiriyey kala badh codadkii la dhiibtay.

Aftidan ayaa u dhexeysa xisbiga Madaxweyne Erdogan oo horkacaya isbedelada cusub ee dastuuriga ah, kuwaas oo shacabka uga raadinaya ogolaansho halka xisbiyo badan oo mucaarad ahina ay aad uga soo horjeedaan.

Waa go’aankii ugu saamaynta badnaa ee shacabkaas la weydiiyo tan iyo wixii ka dambeeyey aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga, 84 sano ka hor.

XS
SM
MD
LG