Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Xeryaha Barakacayaasha


Dadka ay abaaruhu soo barakaciyeen ee ku nool xeryaha barakacayaasha ee duleedka Muqdisho ayaa xaalad adag ku nool, waxaana qaarkood ay halkaasi ku waayeen caruur.

Dadka xeryaha waxaa ku jira dad waayeel ah, waxaana ka mid ah Malaaq Buulle Ibraahim oo 88 jir ah oo ay abaartu ka soo barakicisay gobolka Shabeellaha Hoose. Malaaq ayaa VOA u sheegay in muddo 15 cisho ah uu soo lugeynayay, safarkaasina uu ahaa mid silic iyo saxariir badan.

Maryan Ibrahim oo iyadoo 9 bilood uur leh ka soo barakacday Kunturwaarey, ayaa iyaduna ku dhex umushay xerada barakacayaasha ee duleedka Muqdisho.

Maryan waxay dhashay wiil, waxayna VOA u sheegtay in xaaladda iyada iyo wiilkuba ay aad u liidato.

Sidoo kale, xeryaha waxaa VOA ay kula kulantay hooyooyin ay caruur yaryar ka dhinteen, kuwaasoo ay nafaqo-darro haysatay.

XS
SM
MD
LG