Isku xirrada

Dowladda Somalia oo Soo Bandhigtay Qorshaha Amniga Qaranka


Golaha wasiirada

Shir ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay qorshaha amniga qaranka, gaar ahaan sida loo wajahayo dagaal uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in Al-Shabaab muddo laba sano gudahood ah looga xureynayo dalka.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay abaaraha iyo halista urur diimeed dhawaan looga dhawaaqay dalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u sheegay golaha in looga fadhiyo dardargelinta amniga, nabadeynta iyo xasilinta dalka si muwaadin walba uu ugu noolaado si nabad ah si uu uga qeybqaato dardargelinta horumarka dalka.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa arrimahan ka wareystay wasiirka warfaafinta ee Somalia Cabdiraxman Cumar Cusmaan Yariisow, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay qodobada ay shirkooda xoogga ku saareen.

XS
SM
MD
LG