Maalmihii u dambeeyay waxaa dagaallo beeleedyo ay ka jireen deegaanno ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degmooyinka Balcad iyo Cadale.
Dagaaladaas ayaa sida maamulka u sheegay waxaa ku dhintay ugu yaraan 7 qof.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dagaaladaas iminka xal buuxa laga gaaray.
Wariyeheenna Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan inoo soo diray.