Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariye Cabdimalik Coldoon oo La Xakumay


Cabdimalik
Cabdimalik

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa maanta laba sanno oo xabsi ah ku xukuntay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo laba bilood ah ku xirnaa Hargeysa.

Xukunka maxkamaddu waxay u cuskatay eedo loo soo jeediyay Cabdimaalik oo ay ka mid ahayd faafin warar been abuur ah.

Xeer ilaalinta oo eedda soo oogtay iyo garyaqaannada u doodaya ayaa sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan xukunka maxkamaddu ridday.

Cabdimaalik oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Burco ayaa la xiray ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.

Cabdimalik ayaa caan ku ahaa u gargaarida dadka masaakiinta iyo kuwa dulman oo uu soo bandhihi jiray daruujahooda nololeed.

Dadka yaqaana ayaa ku sifeeyey inuu yahay saxafi cod u ah kuwa aanan codka laheyn. Xarigiisa ayaa loo aaneeyey inuu salka ku hayo kadib marki uu tagay magaalada Muqdisho isla markaana uu usoo hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

XS
SM
MD
LG