Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoobiyaal Lagu Garaacay Muqdisho


Jidadka Muqdisho
Jidadka Muqdisho

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay labo kalana waa ay ku
dhaawacmeen kadib marki ay sadex madfac duhurnimadi maanta ku habsadeen xaafado ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaan oo ahaa hoobiyaal ayaa la sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa bar-koontarool oo ay ciidamada Dowlada Soomaaliya ku leeyihiin degmada Wadajir.

Afhayeenka Maamulka gobalka Banaadir Cabdifatax Cumar Xalaneayaa VOA u xaqiijiyay in hooyo iyo gabdheeda ay ku geeriyoodeen mid ka mid ahhoobiyayaasha oo ku dhacay guri ay daganaayeen.

Saraakiisha Dowlada ma sheegin cid loo qabtay hoobiyayasha iyo meesha
laga soo tuuray intaba, hase ahaatee arintaan ayaa ku soo beegmeysa
xilli shalay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay sheegtay in ay billaabeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

XS
SM
MD
LG