Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Amaanka oo Cambaareeyey Kuuriyada Waqooyi


FILE - The U.N. Security Council votes on a resolution concerning North Korea, March 23, 2017. The council on April 6 condemned Pyongyang for its latest missile test.
FILE - The U.N. Security Council votes on a resolution concerning North Korea, March 23, 2017. The council on April 6 condemned Pyongyang for its latest missile test.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xoog leh u cambaareeyey tallaabadi ay Kuuriyada Waqooyi todobaadkan ku tijaabisay gantaal noociisu ahaa ballistic.

Bayaan kasoo baxay Khamiistii ayuu Goluhu ku sheegay inuu ka walaacsanyahay dabeecadaha ku dhisan wax kharribaadda iyo daandaansiga ee xakuumadda Pyongyang.

Goor sii horreysay oo Khamiistii ah Midowga Yurub ayaa kusoo rogay Kuuriyada Waqooyi cunaqabateyn cusub, taasoo ay uga aargoosanayo tijaabooyinka isdaba jooga ah ee ay dhawaan Kuuriyada Waqooyi ku tijaabisay gantaalada niyukleerka iyo kuwa balistikada, gaar ahaan kii ugu danbeeyey ee ay ku tuurtay badda Japan Arbacadi.

Midowga Yurub ayaa weydiistay Kuuuriyada Waqooyi in ay qaboojiso daandaansiga ay wado isla markaana ay ka baxdo dhamaan barnaamijyada niyukleerka.

XS
SM
MD
LG