Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daanta Galbeed: Israeli Lagu Dilay Weerar Baabuur


Baabuurka weerarka lagu fuliyey
Baabuurka weerarka lagu fuliyey

Nin dhallinyar oo Israeli ah ayaa geeriyooday kadib markii isaga iyo qof la socday uu Daanta Galbeed ku jiiray baabuur uu waday darawal Falastiini ah.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in labada nin ay ku socdeen goob basaska laga raaco oo ku taalla deegaanka Yahuudda ee Ofra, markii darawalka uu sare u qaaday xawaaraha socodka baabuurka kadib ku jiiray labada qof.

Qofka labaad ayaa weerarka ku dhaawacmay, waxaana ciidamada Israel ay sheegeen in darawalka falkan ka dambeeyey la xiray.

Waa wareeggii ugu dambeeyey rabshado dhimasho badan oo ka socda dhulalka Falastiiniyiinta iyo Israel, kuwaasi oo billowday bishii October ee sanaddii 2015.

Rabshadahan ayaa waxaa ku dhintay 42 Israa’iiliyiin ah, laba Mareykan ah iyo 241 Falastiiniyiin ah.

Mas’uuliyiinta Israel waxay sheegtaan in Falastiinyiinta la dilay badankood ay fulinayeen weeraro isugu jira mindiyeyn iyo toogashooyin.

XS
SM
MD
LG