Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cudurka Shubanka oo 9 Qof ku Dilay Buuhoodle


Inta la ogyahay sagaal qof ayaa dhintay, 31 qof oo kalena waxaa la dhigay cisbitalka kadib markii cudurka shubanka uu ka dillaacay magaalada Buuhoodle.

Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegtay in xanuunkaasi kasoo tallaabay dhinaca Itoobiya, islamarkaana ay xidheen xuduudka ay dhinaca koonfurta kala wadaagaan dalkaas.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Abiib Aadan Nuur ayaa sheegay in 22 qof oo ka mid ah dadkii isbitaalada la dhigay la fasaxay kadib markii ay bogsadeen.

Agaasimaha ayaa u warramay weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.

Shuban biyood ka dillaacay Buuhoodle
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:13 0:00



XS
SM
MD
LG