Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jared Kushner oo Booqday Ciraq


Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Jared Kushner oo ah wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Donald Trump, islamarkaana la taliye sare u ah madaxweynaha uu booqday Ciraq.

Sarkaalkan ayaa axaddii sheegay in Kushner uu la safrayo taliyaha taliyayaasha ciidamada Mareykanka Joseph Dunford.

Faahfaahino ku saabsan booqashada Kushner ayaan weli si buuxda loo hayn, hase yeeshee dagaalka Ciraq ay kula jirto kooxda Daacish ayaa ay u badan tahay inuu qeyb ka yahay ajendaha.

Mareykanka ayaa hoggaamiya xulufo caalami ah, oo wada duqeymo ka dhan ah kooxaha muqaawamada, islamarkaana caawiya ciidamada dhulka ee Ciraq.

Kushner, ayaa si la mid ah sodogiisa, lahayn wax khibrad dowladeed, hase yeeshee waxa uu si dhaqso leh u noqday mid ka mid ah ragga ugu awoodda badan Washington.

Jared Kushner Waxa uu qabaa Ivanka Trump.

XS
SM
MD
LG