Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Ku Dhintay Fataaho Ka Dhacay Colombia


Colombia Mocoa
Colombia Mocoa

Kooxaha gurmadka ayaa ka baaraya dhoobada iyo burburka dad loo maleynayo in ay qaadeen daadad xoog leh oo ka dhashay fatahaado ay habeenkii Jimcaha sameeyeen sadex wabi oo mara dalka Colomombia.

Waxyar kadib marki ay wabiyadu karkaarada jabshadeen dhoobo ayaa qarisay degmada Mocoa ee kutaala koofurgalbeed ee dalkaasi Kolombiya, waxana fatahaadaasi ay sababateen dhimashada 200 oo ruux iyo burburka guryo farabadan.

Madaxweyne Juan Manuel Santos ayaa Sabtidii booqday magaalada ay masiibadu ka dhacday oo ku taala xuduuda Colombia ay la wadaagto Ecuador, waxana uu ku dhawaaqay xaalad masiibo qaran ah.

Fatahaada wabiyadan ayaa la sheegayaa in ay sababeen roobab mahiigan ah oo bilooyinki lasoo dhaafayey ka da,ayey dalalka dhaca dhinaca bada Baasifiga ee Koofurta America, sida Peru, Colimbia iyo Ecuador.

XS
SM
MD
LG