Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka Walaacsan xaaladda Congo


Joseph Kabila
Joseph Kabila

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Isbaheysiga mucaaradkaba aysan awood u yeelan inay sii dhaqaajiyaan heshiiskii kala-guurka siyaasadeed ee ay gaareen bishii December.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa labada dhinacba ku eedeysay inay ku guul-darreysteen inay tanaasul sameeyaan si loo fuliyo tallaabooyinkii la isku raacay oo ay ku jirto, magacaabista ra’iisul wasaaraha.

“Guul-darrada in la fuliyo heshiiska waxay meel ku tuureysaa rajadii dadka Congo, waxayna halis gelineysaa horumaradii la sameeyey” waxaa sidaas yiri sii haya afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Mark Toner.

Madaxweyne Joseph Kabila ayaa lagu waday inuu xilka ka dego 19-kii December kadib markii uu dhameystay xiligiisii labaad ee madaxtinimada, hase yeeshee doorashooyinkii ayaa la hakiyey, waxaana weli xilka haya Kabila.

Heshiiska dowladda iyo mucaaradka ayaa dhigayey in la dhiso maamul KMG ah oo uu madax ka yahay ra’iisul wasaare inta doorasho laga qabanayo dhammaadka sanadkan.

XS
SM
MD
LG