Isku xirrada

Tirada Dadka Isu Diiwaan Geliyey Doorashada Somaliland oo la Shaaciyey


Doorashada Somaliland

Guddida doorashada Somaliland ayaa maanta shaaciyay tirada hordhaca ah ee dadka isu diiwaangeliyay doorashada madaxweynaha.

Sida ay guddidu ka sheegeen shir-jaraaid oo ay kaga dhawaaqeen natiijada dadkii isku diiwaan galiyaya inay codeeyaan, in ka badan 873,000 oo qof ayaa isu diiwaangeliyay codaynta, iyagoo halkaa ka shaaciyay tirada gobol walba iska diiwaangelisay.

Guddidu waxay sheegeen oo kale in qaybinta kaadhadhka codbixintu ay bilaabmayso 29 bisha April ee sanadkan.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

XS
SM
MD
LG