Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay 31 ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigyo ay maaleeshiyadu ku laheyd degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka Amisom ayaa isna bartiisa twitter-ka soo dhigay in ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya ay weerarkaasi fuliyeen.
Wariyeheenna Jacfar Kuukay ayaa warbixintan inooga diyaariyay.