Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka Oo Baaraya Shacab Lagu Dilay Mosul


Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in dhimashada dadka rayidka ee Ciraq ee magaalada waqooyi ee Mosul ay tahay musiibo aad u xun, ayna baarayaan tuhunada ku saabsan in duqeymaha isbaheysiga Mareykanka uu hogaaminayo ay ku dhinteen 100 qof oo rayid ah, horaantii bishan.

Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in dib u eegis horudhac ah ay muujisay in diyaaradaha dagaalka isbaheysiga ay duqeymo ka fuliyeen 17-kii March goob ku dhow halka la sheegay in dadka rayidka lagu dilay ee galbeedka magaalada Mosul.

Ciidamada Ciraq oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya isbaheysiga ayaa ka shaqeynaya sidii ay u qabsan lahaayeen galbeedka magaalada Mosul, oo kooxda Daacish ay haysato.

Gen. Joseph Votel, oo ah madaxa taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray axaddii ku sheegay in ciidamada isbaheysiga ay sii wadi doonaan inay ka fogaadaan waxyeelo soo gaarta shacabka.

Xog ku saabsan weerarada ciidamada isbaheysiga oo maanta la baahiyey ayaa muujineysa inay toddoba duqeymo oo cusub ay axaddii ka fuliyeen magaalada Mosul.

XS
SM
MD
LG