Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Holland: Dowlad Isbaheysi oo ay Tahay In La Soo Dhiso


Ali Ware
Ali Ware

Muddo 10 casho ah ayaa ka soo wareegtey marki lasoo gaba-gabeeyey doorashadi dalka Holland oo indhaha adduunka oo dhan soo jiidatey.

Doorashada Holland waxaa xiisa gaar ah u yeelay xisbiga xagjirka ah ee PVV oo Muslim iyo soogalooti nacaybka ku caan baxay oo la filayay in uu ka gaaro guul kama dambeys ah oo uu xukunka dalkaas ku hanto.

Hasa ahaatee, waxaa kaalinta koowad galey xisbiga VVD ee Raisul Wasaare Mark Rutte. Majirin xisbi ku guuleystey aqlabiyada baarlamaanka oo ka kooban 150 xildhibaan.

Sidaas darteed waxaa la soo dhisayaa dowlada wadaag ah oo dhowr xisbi ay isku bahaysanayaan. Wariyeheenna Jaamac Buule Jaamac ayaa la xariiray Cali Waare oo maaddada Cilmiga Siyaasadda iyo Maamulka Dowliga ah ku taqasusay kuna sugan magaalada Amsterdam.

Dhageyso Doorashada Holland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:47 0:00

XS
SM
MD
LG